Garowe(INO) Waxaa magalada Garowe xarunta Puntland soo gaaray wafdiyo ka socda mamuladda Jubbaiyo Koonfur gabeed Soomaaliya, kuwaasoo u yimi ka qayb galka shir ay wasaradda Deegaanka Puntland ku marti qaaday oo arrimaha deegaanka Soomaaliya looga hadlayo.
Wafdiyaddan ayaa kala ahaa Wasiirka Degaanka iyo daaqa mamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Macalin Maxamuud Maxamed, wasiirka Deegaanka batroolka iyo Tamarta Farxaan Cabdi Afdhuub iyo La-taliyaha madaxwaynaha mamulka Jubba.
Wasiiraddan iyo madaxda wasaradda Deegaanka, daaqa iyo duurjoogta Puntland ayaa kulan maanta ku qaatay xarunta wasaradda deegaanka ee magalada Garowe, kulankaas oo ahaa mid isbarasho ah iyo ka hadalka xaaladda Deegaanka Soomaaliya ayay madaxdu sheegeen inay muhiim tahay sidii looga wada tashan lahaa arrimaha dalka ka jira gaar ahaan deegaanka iyo xuulufka dhirta lagu hayo.
Ugu horayntii Wasiirka Deegaanka Puntland Mudane Guuleed Saalax Barre ayaa sheegay ujeedka kulankan inuu yahay sidii looga wada xaajoon lahaa bad baadinta deegaanka iyo wada shaqayn dhab ah oo dhexmarta wasaradaha ku shuqulka leh arrimaha Deegaanka, Barre ayaa u mahad celiyay masuuliyinta sida ay usoo ajiibeen codsiga loo diray.
Wasiiradda Deegaanka ee Dowladda Koonfur Galeed iyo Jubba oo dhankooda warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii wax looga qaban lahaa deegaanka joojinta dhuxasha laga sameeyo dhirta, waxay kaloo balan qaadeen inay wada shaqaynta dhankooda xoojin doonaan.
Masuuliyiintan ayaa inta ay ku sugan yihiin magalada Garowe, waxay heshiis ku gaari doonaan wada shaqaynta dhanka deegaanka Soomaalida, maadama dhibaatooyinka Deegaanka iyo bay’adda haystaa aysan ku koobnayn Puntland oo kaliyadda.
Shirkan ayaa waxaa howlo shaqo uga baaqday madaxda wasaradda Degaanka dowladda Federaalka Soomaaliya, hase yeeshee waxaa lagu wadaa dhankooda inay ka shaqeeyaan bad baadinta deegaanka iyo horumarintiisa.
Idale News Online, Garowe