Dhageyso:Wasaaradda Dib U Dajinta Iyo Xariirka Jaaliyaha KGS Oo Eedeysey Qurbo Joogta KGS, Kana Digtey Hal Arin Oo Halis Ah

0
462

Baydhabo(INO)- Wasaaradda Dib u dajinta iyo Xarirka Jaaliyahada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si adag u eedaysey Qurbo joogta Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaasoo ay ku Eedaysey in ay la shaqeyn waayey Wasaaradda.

Liibaan Sheeekh Shuceyb, agaasimaha Wasaaradda dib u dajinta iyo Xariirka Jaaliyaha oo Qiib Galiey Dood Kulul oo dhexmartey Isaga iyo Chief Sagaarey ayaa sheegey in Qurbo joogta Koonfur Galbeed Soomaaliya shakhsiyaad Magaalooyinka Jooga  ay u soo wakiishaan Arimaha Samafalka iyo gargaarka taasoo ah Shaqo ay leedahay wasaaradda.

Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamey in jaaliyaha Xafiisyo madax banaan oo wax looga qabanayo bulshada ay  ka furtaan Magaalooyinka, isagoona  sheegey in Wasaaraddu tan iyo markii la sameeyey aysan wada Shaqeynin Jaaliyadaha.

Si kastaba aha ahaatee, waxa la sheegey in Qurbo Joogta Koonfur Galbeed Soomaaliya ilaa iyo hadda aysan aaminin Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaasoo ka badoobeen ka dib markii la dumiyey Maamulkii Lixda gobol Ee Koonfurta iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Hadalka Wasaarada Dib u dajinta iyo Xariirka Jaaliyaha ayaa waxa uu  ku soo beegmaya Xilli MaalmahiI la soo dhaafey Qurbojoogta Koonfur Galbeed Soomaaliya Xafiisyo Madax banaan ay ka furanayeen Magaalooyinka Afgooye iyo Baydhabo Ee Xarunta gobolka Bay.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo