Dhageyso:Wasaaradda Arimaha Gudaha Ee KGS Oo Gudoomiye Cusub U Magacaawdey Degaanka Jaziira Ee G/Sh/Hoose

0
222

Jaziira(INO)-Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo dhawaanahan waday maamul u sameeynta Goboladda Iyo Degmooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Gudoomiye Cusub u Magacaawdey Degaanka Jaziiradda Ee Gobolka Shabellaha Hoos.

sata

Wareegto Ka Soo baxdey Xafiiska Wasiirka Wasaaradda arimaha Gudaha iyo dowladda hoose ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ibraahim Aadn Sate, ayaa Maanta  looga Magacaawey Gudoomiyaha cuub ee Degaanka Jaziira, C/Casiis Xaaji Cali Nuur.

Gudoomiyaha Cusub Degaanka Jaziira Ee Gobolka Shabellaha hoose  ayaa ugu horeyn ka hadley dareenkiisa ee ku aadan Magacaawistiisa.

” 25 sano ka dib, waxaan haley Xaquuqdeena Gudoomiyenimo ee Degaanka Jaziira, Waxaan U Mahad celinaya  Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan,Wasaaradaha arimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose, Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Wasaaradda hawlaha Guud ee Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayuu yiri Gudoomiyaha Cusub.

Degaanka Jaziira Ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ah degaan kala qiibiya Goboladda Shabellaha Hoose iyo Banaadir isla markaana, dhawaan waxa ku murmey Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Maamulka gobolka Banaadir,waxaana hada si toos ah loo sheegey in maamulka Cusub ee Degaanka Jaziira uu hoostagi doono Degmada Afgooye Ee gobolka Shabellaha hoose, taasoo meesha ka saareyso Khilaafkii jirey.

Gudoomiye Ku xigeenka Dhanka Amaanka Ee Gobolka Shabellaha Hoose Cali Nuur Maxamed oo Ka  hadley Xafladda ayaa kula dardaaramey Gudoomiyaha Cusub ee Deegaanka jaziira inuu la shaqeeyo Maamulka Degmada Afgooye iyo Ciidamada Amaanka  Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Wakhti hore ayaa la rabey in maamul loo sameeyo, waa Bilow fiican, waxaan kula dardaaramaya Gudoomiyaha Cusub ee degaanka Degaanka inuu la shaqeeyo Ciidamda KGS” ayuu yiri Mr. Cali.

Ugu dambeyntii,Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha Koonfur Galbeed Soomaaliya C/rmaan Ibraahim Aadan Sata, oo isna ka hadley xaflada Magacaawista Gudoomiyaha Degaanka Jaziira ayaa sheegey in dowladda KGS ay Muhiim u tahay in maamul u sameeyso degaanka Jaziira ee Gobolka Shabellaha Hoose.

” Waxan magacaawney gudoomiyaha Deganka Jaziira, waxaan u sheegeyna laamaha amaanka oo ogeysiinta ku leh WareegtidaanI inay la shaqeeyaan Gudoomiyaha Cusub, si horumar iyo Barwaaqo loo gaaro”

Halkan Ka Dhageyo

Idale News Online, Jaziira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here