Dhageyso:Wasaaradda amniga Soomaaliya oo sheegtay iney heegan galisay ciidanka amniga

0
233

Muqdisho(INO)-Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday iney heegan buuxda galisay ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya kadib markii ay heshay xog sheegeysa in kooxda Al-shabaab ay abaabuleyso weeraro argagixiso.

Maxamed-Yuusuf1

Afhayeenka wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney heegan buuxa galiyeen ciidamada amniga dowladda,wuxuuna xusay in arintani ay ka danbeysay kadib markii sida uu sheegay ay heleen xog ku saabsan in Al-shabaab ay abaabuleyso weeraro ay Muqdisho ka geysato.

Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in feejignaan sare la galiyey dhammaan ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya,wuxuunaintaa ku daray iney ciidamadu wadaan baaritaano lagu xaqiijinayo amniga caasimadda isla markaane lagu fashilinayo isku dayada kooxda Al-shabaab ay ku dooneyso iney ku qalqal galiso amniga magaalada Muqdisho.

Halkan Ka Dhageyso.

Ciidamada ammaanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa hore u fashiliyey weeraro dhowr ah oo Al-shabaab ay doonayeen iney ka geystaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

 Idale News Online, muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here