Daawo:Wasaaradda Amniga Oo Faah Faahisay Howlgalkii Maanta

0
233

Muqdiso(INO)-Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howlgal ballaaran oo ciidamada dowladda Federaalka ka wadaan magaalada Muqdisho.

Maxamed-Yuusuf1

Afhayeenka wasaaradaasi Maxamed Yuusuf oo u waramay Warbaahinta  ayaa sheegay in howlgalkaan ay fulinayaan ciidamo gaar ah oo loo soo tababaray sidii amniga loo xaqiijin lahaa, islamarkaana ciidamadaan ay baari doonaan gaari walba oo magaalada maraya.

Waxa uu sheegay Maxamed Yuusuf in bartilmaameedka gaarka ah ee howlgalkaan uu yahay gaadiidka hubka saaran, islamarkaana looga golleeyahay in la xaqiijiyo waxa uu yahay.

“Howlgalkaan waxa uu ahaa mid qorsheesan oo muddo Seddax Bil ku dhaw ay ka fikirayeen qubaro loo xilsaaray oo ku aadan dejinta Istaraatiijiyadda amni, waxaana ay soo saareen aag qorsheesan oo ciidankaan ka howlgalaan, waana ciidan tiradooda, tayadooda, qalabkooda iyo sida ay ula dhaqmayaan bulshada lasoo diyaariyay oo tababar muddo socday loogu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho, islamarkaana howlgalay xalay xilli dambe, waana cutubyo gaar ah oo ka tirsan ciidanka hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka Soomaaliyeed in ay gudan doonaan waajibaadkii loo igmaday” ayuu yiri Afhayeen Maxamed Yuusuf.

Afhayeenka ayaa dhinaca kale sheegay in taliyaha Nabad sugidda oo shalay la hadlay ciidankaan in lagula dar daarmay in ay ilaaliyaan aqlaaqda, sharafta shacabka walibana iyaga oo wada howlgalka ay shacabkaba caawiyaan.

Ugu dambeyn Afhayeenka wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in howlgalkaan uu yahay mid ka duwan kuwii hore, islamarkaana uu yahay mid aan Laami kaliya ku ekeen ee sidoo kale ciidanka ka howlgalayaan xaafadaha magaalada Muqdisho, wixii faah faahin ahna laga bixin doono markii howlgalka soo gaba gaboobo.

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa saaka ku waabariistay ciidamo badan oo ka tirsan Nabad sugidda Qaranka, kuwaasi oo baaritaano ka wada wadooyinka magaalada Muqdisho.

Halkan Ka Daawo.

 


Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here