Dhageyso+Wareysi:Sarkaal Ka tirsan Al Shabaab Oo Lagu Diley Degaan Ka tirsan Gobolka Bay

0
512

Diinsoor(INO)- Ciidamada Booliska Gaar Ah Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Maalmahaan Waxaa Howlgalo Ay Kawadeen Degaano Katirsan Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay Iyadoo Howlgaladaasi Ay Ahayeen Howlgalo Lagu Baadi Goobayo Ciidamo Katirsan Urarka Al Shabaab Oo Maalmahaani Ay Ku Jireen Degaanadaasi Ee Hoos Taga Degmada Diinsoor.

Inta Ay Ciidamada KGS Ay Wadeen Holgalkaasi Ayaa Waxaa Ay Ku Dileen Sarkaal Katirsan Urarka Al Shabaab Sida Maamulka Degmada Diinsoor Ay Sheegey In Sarkaalkaasi Uu Caanku Ahaa Deganadaasi Al Shabaabna U Qaabil Sanaa Dhanka Iyo Amaanka.

Gudoomiyaha Degmada Diinsoor Ee Gobolka Bay Ibraahim Maxamed Nuur Ayaa Waxaa Uu Kahadley Sarkaal Kaasi Ladiley Iyo Degaanka Lagu Diley.

Dhanka Kale Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Kahdley Xaalada Guud Ee Degmada Diinsoor Asigoo Uu Sheegey In Degmada Xiligaani Ay U Baahan Tahay In Lasoo Gaarsiyo Gar Gaar Deg Deg Ah Dhanka Iyo Daawooyinka Iyo Waxbarashada Madaama Degmadaasi Ay U Godoonsan Tahay Urarka Al Shabaab In Mudo Ahna Degmadaasi Gaarin Wax Gar Gaar Ah Oo Ay Gaarsisey Dowlada Koonfurgalbeed Somaliya.

Halkan Ka Dhageyso

W/Q:Wariye Siidcali Muuse Maxamed Ateera