Qansax Dheere(INO)- Shacabka Ku Nool Degmada Qansaxdheere Ee Gobolka Baay Ayaa Maanta Si Aad Ah Ugu Dabaaldagayaan Farxada Maalinta Ciida Iyadoo Maanta Shacabka Degmadaasi Ay Utahay Maalintii Kowaad Ee Ceedul Fidri.
Gudoomiye-Kuxigeenka Degmada Qansax Dheere Ee Gobolka Baay Cabdulle Xuseen Ayaa Waxaa Uu Kahadley Sida Shacabka Degmada Qansaxdheere Ay Uga Qebqateen Farxada Ciida Asigoona Sheegey In Ciidaan Ay Tahay Ciidii Ugu Horeysay Oo Ay Si aad Ah looga Cdiio Magalada Qansaxdheerey.
Dhanka Kale Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Kahadley Dhaqdhaqaaqa Sooqyada Uga Waaween Ee Degmadaasi Waxaana Uu Sheegey In Suuqyada Ay Yihiin Kuwo aad U Camiran Iyadoona Ay Jiraan Mashquul Laga Dareemayo Carwooyinka, Lagu Iibiyo Waxyaabaha Ay Ku Ciyaraan Carruurta Iyo Goowaha Kale Ee Loo Aado Dabaalgada Maalinta Ciida.
Gudoomiye-Kuxigeenka Degmada Qansax Dheere Ee Gobolka Baay Cabdulle Xuseen Ayaa Dhanka Kale Waxaa Uu Kahadley Amaanka Degmada Qansaxdhaeere Iyo Tuulooyinka Kale Ee Hoos Taga Degmadaasi Gudoomiuaha Asigoo Hadalkiisa Siiwata Ayaa Waxaa Uu Kahadley Wadooyinka Soogala Degmada Waxan Uu Sheegey In Ay Yihiin Mid Gudoonsan Ayna Gudoomiyeen Urarka Ay Al Shabaab In Modo Ah.
W/Q:Wariye Siidcali Muuse Maxamed Ateera