Dhageyso+Wareysi:Maamulka Degmada Berdaale Ee Gobolka Bay Oo Ka hadley Munasabada Maalintii Kowaad Ee Ciidda

0
367

 Berdaale(INO)-Magalada Berdaale Ee Gobolka Baay Ayaa Waxaa Ay Katim Tahay Magalooyinka Maalintii Kowaad Ee Ciidel Fidriga Sida Weyn Loogu Ciidey Ayna Kaduwan Tahay Ciidihii Kale Soo Marey.

Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Berdaale Cali Cadow Isaaq Ayaa Waxaa Uu Kawarbixiyey Sida Loogu Ciidey Magalada Berdaale Madaama Ay Kaduwan Tahay Ciidihii Kale Ee Soo Martey Degmadaasi Asigoona Sheegey In Maanta Degmada Laga Dareemaayo Dabaaldeg Wanaasan Oo Ku Aadan Farxada Malintii Kowaad Ee Ciidul Fidriga. Amaanka Degmadana Uu Yahay Mid Degan Oo Ay Sugayaaan Ciidamada booliska Gaarka Ah Ee Koonfur Galbeed Soomaliya Iyo Ciidamada Itoobiya.

Dhanka Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Berdaale Cali Cadow Isaaq Ayaa Waxaa Uu Kahadley Qaar Kamid Ah Masuulinta Degmada Berdaale In Ay Kaqeyb Galeen Kulan Looga Hadlaayo Amaanka Degmada Berdaale Oo Kasocdo Degmada Luuq Ee Gobolka Dego Madaama Labada Degmo Ay Yihiin Labo Degmo Ay Wada Degaan Shacabka Somaliyeed Ayna Kadhaxeeyso Ganacsi Iyo Isu Socad Wanaagsan.


W/Q; Wariye Siidcali Muuse Maxamed Ateera