Baydhabo(INO)-Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna Duqa Magalada C/laahi Cali Maxamed (Watiin) Ayaa Waxaa Uu Hambaliyo Udirey Dhamaan Shacabka Ku nool Magalada Baydhabo Iyo Kuwa Kale Ee Kunool Tuuloyinka.
Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Kahadley Sida Loogu Diyaar Garoowey Magalada Baydhabo maalinta Ciida Waxaana Uu Sheegey In Maalmahan Si Aad Ah Loo Wadey Isu Diyaarinta Maalinta Farxada Ciida.
Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Maalmaha Ciida Magalada Baydhabo Amaankeed Si Aad loo Sugi Doono Amaankana Ay Iska Kaashan Donaan Ciidamada Xooga Dalka Somaliya Ciidamada Booliska Gaar Ah Koonfur Galbeed Soomaaliya Iyo Ciidamada Midowga Afrika Amison Kuwooda Itoobiya.
Dhanka Kale Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna Duqa Magalada C/laahi Cali Maxamed (Watiin) Ayaa Waxaa Uu Baaq Udirey Dhmaan Shcabka Ku Nool Magalada Baydhabo Waxaana Uu Sheegey In Maalinta Ciida Ay Ku Cidaan Si Degenaansho ah Ayna Kashaqeyaan Amaanka Degmada Baydhabo.
hambaliyo ciida wariin
W/Q:Wariye Siidcali Muuse Maxamed Ateera