Dhageyso+Wareysi:Gudoomiye Ku xigeenka Degmada Waajid Oo Ka hadley Degaanadii Dhawaan Al Shabaab Ay La waregeen

0
389

Waajid(INO)- Maamulka Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool Ayaa Waxaa Uu Ka hadley Deganadii Dhawaan Ay La waregeen Ciidamada Urarka Al Shabaab Kadib Markii Ciidamada Midowga Afrika Ee AMISOM Iyo Kuwa Dowlada Faderalka Soomaaliya Ay Baneeyeen Degaanada Ay Kanidka Yihiin Rabdhuule Iyo Buurdhuxunle Ee Gobolka Bakool Koonfur Galbeed Somaliya .

Gudooymiye-kuxigeenka Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool Cadow Cabdiraxmaan Ayaa Waxaa Uu Kawarbixiyey Sabaabta Keentey In Ciidamada Dowlada Dhaxe Iyo Kuwa Amisoon ay Ka Baxaan Degaanada Katirsan Gobolka Bakool.

Kadib Markii Urarka Al Shabaab Ay La waregeen Gacan Ku Heeynta Deganada Rabdhuule Iyo Buurdhuxunle Ayaa Waxaa Bilaawdey In Shacabkii Ku Nolaa Deganadaasi Ay U Barakacaan Deganada Ku Soo Dhow Degmada Xudur Iyo Degmada Waajid Iyadoo Horey Dadkii Ku Nolaa Degmada Waajid Ay Ku Jireen Godoon Ay Sareen Urarka Al Shabaab.

Gudoomiyaha Ayaa Dhanka Kale waxaa Ka Hadley Shacabka Gaarey Degmada Waajid.

Halkan Ka Dhageyso


W/Q:Wariye Siidcali Muuse Maxamed Ateera