Tiyeeglow(INO)- Xiligaani Ayaa Waxaa Xaalado Nolal Xuma Ah Soo Wajahdey Shacabka Ku Nool Degmada Tiyeeglow Ee Gobolka Bakool Maamulka Degmadaaasi Ayaa Waxaa Ay Ka Hadleen Arimo Badan Oo Ay Ka Mid Yihiin In Waxbarasho Iyo Caafimaad Ay Ka Litaan.
Dhanka Waxbarashada Degmada Tiyeeglow Ayaan Cago Badan Kutaagneen Xiligaani Madaamada Degmadaasi Kuyaalo Hal Iskuul Oo Kaliya Maamulka Degmada Tiyeeglow Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Baahi Weyn Loo Qabo Dhanka Iyo Waxbarashad Maclimiita Mahelaan Mishaar Kufilan Iskuulka Waxbarasho Kaafinkaraa Ardeyda Jecel Waxbarashada Ku nool Degmada Tiyeeglow Wazaarada Waxbarashada Koonfur Galbeed Somaliya Majiraan Wax Xiriir Ah Oo Ay Lasamaysey Maamulka Magalada Tiyeeglow”Saasi Waxaa Yiri Gudoomiyaha Degmadaasi Tiyeeglow Maxamed Cabdulle Foodcade Xili Uu Uwaramaayey Warbaahinta Idalenews.com
Dhanka Kale Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Kahadley In Degmada Tiyeeglow Ka Qarxay Cudur Aad Udaran Dhibaato Badanna Ku Haayo Caruurta Degmadaasi Iyo Degaanada Katirsan Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Cudurkaani Caruur Badan Ay U Dhinteen Qaar Kalena Ay U jifaan Xaruumaha Caafimaadka Degmadaasi .
Gudoomiyaha Asigoo Hadalkiisa Siiwataa Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Daawo Kufilan U yaalin Xaruumaha Caafimaad Oo Ka Howlgala Degmada Tiyeeglow Lakiin In Ay Jiraan Waxyar Doowo ah Oo Aan Ku Filneen Xarumahaasi Caafimaad Oo Dhiiba Hay’adaha Ka Shaqeyaa Degmadaasi Hadii Lawaayana Ay U Dhimankaraan Cudurkaasi Caruur Badan.
Gudoomiyaha Degmada Tiyeeglow Ee Gobolka Bakool Maxamed Cabdulle Foodcade Ayaa Waxaa Uu Si kukul U Cambaareyey Wazaaradaha Waxbarashada Iyo Caafimaadka Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya.
Waaxaa Uu Sheegey In Dhibaatada Xiligaani Kataagan Degmada Tiyeeglow Indhaha Kaxirteen Waxaana Uu Sheegey Lawadaan Sano Gacanta Ay Kuhayaan Maamulka Degmada In Wax Gar Gaar Ah Kahelin Wasaaradaha Waxbarashada Iyo Caafimaadka Koonfur Galbeed Somaliya Marna Xiriir Lasameynin Maamulka Degmada Tiyeeglow Si Wax Looga Qabto Dhibaatada Xiligaani Kataagan Degmada Tiyeeglow Ee Gobolka Bakool Ee Koonfur Galbeed Somaliya.
Halkan Ka Dhageyso:
W/Q:Wariye Siidcali Muuse Maxamed {ateera}