Dhageyso:Warbixin Ku Saabsan Damaca Dowladda Kenya Ee Badda Soomaaliya

0
220

Muqdisho(INO)– Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada ugu xeebta dheer Africa, waxa ayna ku jirtay 24-kii sanno ee lasoo dhaafay dagaalo iyo rabshado kuwas oo ka dhigay Xaduudaheeda kuwa aysan cidna si dhab ah uga war heyn, waxaana dawladdaha dariska ah ay qaarkood marar badan damceen in ay faragalin ku sameeyaan Xaduuda caalamiga ah ee uu dalka Somalia la leeyahay jaarkiisa.

kenya

Sannadkii ugu dambeeyey waxaa kor ukacayay wararka la xariira Kenya oo biyaha Soomaaliya qeyb ka mid ah sheegatay, isla markaasna ugudbisay Qaramada Midowbay in aysan kala cadeyn xaduuda udhaxeysa Somalia & Kenya ee dhinaca Badda ah.

Dacwado badan ayaa ka furmay, waxaana hada dawladda jirtaa ee Soomaaliya ay sheegtay in ay qaraarkan hordhigtay maxkamada Dambiyada caalamiga ah, ayna qabsatay Qareeno dacweynaya Kenya, kuwaas oo difaacaya sidii Soomaaliya uheli lahayd Badeeda iyo Xaduuda rasmiga ah oo horay loo qeexay.

Hadaba Warbixintan soo socota ayaa lagu eegayaa sida ay beylahda utahay Soomaaliya iyo wararka malmihii udambeeyey ka soo baxay dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya iyo Kenya.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here