Dhageyso:Warbaahinta Oo Afka La Qabtay” Ma Maqli Karno Magaca Al shabaab”

0
211

Muqdisho (INO) — Taliyaha Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo Maanta ka qeyb Galayay Kullan lagu Xusayay Maalinta Saxaafdda Adduunka oo Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu Digniin u Diray Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed.

Teaser Image Warbaahinta oo Afka la qabtay: Ma maqli karno Magaca Al shabaab - Tuuryare

Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare Taliyaha Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka  Waxaa uu sheegay in la Bedelay magacii Kooxda al-shabab Islamarkaana ay Dowlada Soomaaliya u Bedeshay ”UGUS’ oo Laga soo Gaabiyay Ururka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed  Waxuuna Bahda Saxaafdda ka Dalbaday in aana laga Maqlin Magac Al-shabab.

Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa uu Carabka ku Dhuftay in ay Kol hore Xukumadda soomaaliya War kasoo Saartay Arinkaani hase’yeeshee wali ay ku Dhaqmayaan ka Mid ah Warbaahinnada Muqdisho.

Madaxda Warhaabinadda Magaalada Muqdisho iyo Shaqaalaha ayuu Uga Digay in Laga Maqlo Magaca Al-shabab taasi oo uu Sheegay in ay Xarig ku Muteeysan karaan Sidda uu Yiri Tuuryare.

Mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho  ayaa Hoay Loogu Xiray Cod Afhayeenka al-shabab oo ay Baahiyeen.

Idale News  Online  Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here