Baledweyne(INO)- Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Khasaaraha ka dhashay qarax Bam gacmeed oo xalay lagu tuuray halka loo yaqaan Buundo weyn oo ka tirsan Magaalada Baledweyne, xilli halkaasi ay ku sugnaayeen dad rayid ah iyo ciidamo Dowladda ka tirsan.
Qaraxan oo xalay fiidkii lagu tuuray goobtaasi ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay todobo ruux oo shacab iyo ciidan isugu jira sida uu xaqiijiyay Taliyaha Booliska Magaalada Baledweyne Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle.
Sarkaalkaan ayaa sheegay goobta qaraxa lagu tuuray oo aheyd meel aad u mashquul badan inay keentay dhaawaca dadka intaa la,eeg isaga oo intaasi ku daray hadalkiisa ciidamada waxyeelada ay soo gaartay inay yar yihiin, balse dadka shacabka ah inay badan yihiin.
Dadka waxyeelada ay soo gaartay ayaa xalay loo qaaday Isbitaalka Magaalada Baledweyne, si xaaladooda caafimaad daryeel loogu fidiyo.
Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Baledweyne Cali Dhuux, ayaa sheegay qaraxa kadib inay sameeyeen howlgalo ammaanka ay ku xaqiijinaayeen, waxaana gacanta lagu soo dhigay tiro dad ah oo Booliska ay tuhmeen.
Dadkaasi ayaa waxaa lagu haayaa Saldhiga ciidamada Booliska Magaalada Baledweyne, waxaana la filayaa saaka oo Axad ah in Baaritaan ay ku sameeyaan ciidamada Booliska.
Ammaanka Magaalada Baledweyne oo ah mid wanaagsan, ayaa xilliyada qaar waxaa ka dhaca dilalka qorsheysa, qaraxyada Bam gacmeedka iyo dagaalada u dhaxeeya Maleeshiyo beeleedka, taasi oo waxyeelaynaysa ammaanka Magaaladaasi iyo dadka rayidka ah ee degan.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baledweyne