Dhageyso:Wafti ka socda DFS iyo Dowladda Koofur Galbeed Oo Maanta Gaaray Degmada Xudur

0
266

Xudur(INO) Wafti ka koobnaa wasiiro ka tirsan Dowladda  Koonfur Galbeed iyo xildhibaano kamid ah mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo ay go’doomiyeen Al-shabaab.

diyaarad

Waftigan ayaa Xudur u tagay sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladda adag ee ay ku nool yihiin shacabka gobolka Bakool oo inta badan degmooyinkiisa ay go’adoomiyeen Al-shabaab,masuuliyiinta maanta gaaray degmada Xudur ayaa wadahadallo la yeelan doona qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Xudur.

Xildhibaan Cumar Isxaaq Cali oo ka mid ah waftiga maanta gaaray degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay iney halkaa u tageen sidii ay usoo qiimayn lahaayeen nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Xudur.

Xildhibaanka ayaa sheegay in waftigu ay ka kooban yihiin wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo 7 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya,wuxuuna sheegay iney kulamo la qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Bakool gaar ahaa degmada Xudur.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xudur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here