Dhageyso:Wafti Ka Socda DF iyo KGS Oo Ku Guuleystay Heshiisiinta Beelo Ku Dagaalamay Gobolka Bakool

0
179

Xudur(INO)– Wafti ka socda Dowladda  Koonfur Galbeed Soomaaliya ,xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka,Masuuliyiinta gobolka Bakool iyo Siyaasiyiin maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa ku guuleystay iney heshiis kala dhex dhigaan beelo colaad u dhaxaysay kuwaasoo wadada daga qaybo kamid ah gobolka Bakool.

madoobe

Masuuliyiintan ayaa magaalada Xudur maalmahan ka waday waan waan ay ku dhex dhexaadinayey beelo walaala ah oo mudooyinkan ku dagaalamayey deegaano ka tirsan gobolka Bakool,beelaha ayaa waxaa la kala dhexdhigay heshiis nabadeed oo rasmi ah.

Wasiiro ka tirsan Dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya oo madasha lagu heshiisiiyey beelaha hadallo ka jeediyey ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya ay doorkeeda ka qaadado heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.

Masuuliyiinta isku hawlay heshiisiinta beelahan ayaa soo dhaweeyey heshiiska labada beelood,waxaana sidoo kale heshiisiinta si diiran usoo dhaweeyey shacabka ku nool deegaanada hoos yimaada degmada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online Xafiiska Xudur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here