Mareerey(INO)-Fatahaado uu sameynayo wabiga Shabelle oo ay ku barakaceen dad shacab ah ayaa ka jira deegaanno kamid ah gobalka Shabeellaha Hoose.
Guddoomiyaha deegaanka Mareerey ee gobalkaasi Siid Mayow Baalle ayaa sheegay in arrintani ay saameysay dad badan oo deegaanka ku nool kuwaasoo guryahooda isaga barakacay.
Wuxuu sheegay in ay wadaan dadaallo ay kaga hortagaan isla markaana ay ku doonayaan inay si un xaaladda ku gaarsiiyaan.
Dalag badan oo la abuuray ayuu tilmaamay inay fataahadda wabiga saameeyeen oo ay biyihii fara badnaa qaadeen.
Wariye Maxamed Cabdillaahi Maxamed ayaa guddoomiye Siid Mayow Baalle la hadlay saaka.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Mareerey