Afgooye(INO) Wabiga Shabelle ayaa Fatahaad ka sameeyey Tuulada Jambaluul oo hoos timaada degmada Afgooye ee gobolka SH/hoose,Sakariye Maxamed oo ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay in Fatahaadu ay sababtay barakac baaxad leh.
Qoysas badan oo ku noolaa wabiga Jiinkiisa ayaa ka cararay guryahooda markii ay saamaysay Fatahaadu,Sakariye Maxamed ayaa intaa ku daray in dadka tuulada Jambaluul ay lasoo daristay xaalad adag.
Cuduro ay ka mid tahay Duumada ayuu tilmaamay iney Tuulada ka dillaaceen,wuxuuna ka codsaday hay’adaha gargaarka caalamiga ah iyo dowladda Soomaaliya in gurmad lala gaaro boqolaalka ruux ee ku barakacay Fatahaadda uu wabiga Shabelle ka sameeyey Tuulada Jambaluul ee gobolka Sh/hoose.
Tan iyo wixii ka danbeeyey markii uu dalka ka curtay xilli Roobaadka gu’ga waxaa inta badan degmooyinka iyo deegaanada uu maro wabiga Shabelle laga soo sheegayey Fatahaad uu wabigu sameeye.
Halkan Ka Dhageyso Radio Idale
Idale News Online, Afgooye