Muqdisho (INO) – Afhayeenka Booliska Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in ay Gacanta ku hayaan Ninkii ka Dambeeyay Qarax ka dhacay Muqdisho, kaasoo sida uu Booliska sheegay ay Maanta spp Namdhigi doonaan.
Qaraxa ka dhacay Hotel-ka Makkah Al-mukarrama ayaa Sababay Dhimashada 1 qof inta la Ogyahay, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay 5 kale oo qaarkood ay ahaayeen Ilaaladii Hotel-ka.
Laamaha Amaanka ayaa la sheegay in ay ka Warqabeen Gaarigaasi in uu Qaraxyo Xambaarsanaa, waxayna sheegeen in la Eryayey, ka hor Qaraxa ayaana la shaaciyey in Ciidanka iyo Ninka Gaariga Weday ay Rasaas is dhaafsadeen.
Boolisku waxaa uu sheegay in Ninka Qaraxa weday uu Gaariga ka degay, ka hor inta uusan Qarxin, Rasaas ayuu isku Deyay in uu isaga Reebo Ciidanka oo Markii ugu Dambeysay ku Guuleystay in ay Qabtaan Ruuxaas.
Idale News Online – Xafiiska Muqdisho