Dhageyso:Waa sidee xaalada degmada Xudur labo sanno oo ay go’odoon ahayd ka dib….

0
224

Xudur(INO)-Dawladda Soomaaliya ayaa dhawaan furtay wadooyinka gobalka Bakool, gaar ahaana wado yar oo isku xirta Xudur iyo Ceel-Barde, taas oo ah mida ugu yar dhaqdhaqaaqa gobalka Bakool.

Xudur

Hadana waxa ay dadku hada dareemayaan in uu hoos udhac ku yimid qeymihii raashinka oo mudo labo sanno ah joogey meel aysan cidna haweysan karin in ay gataan.

Ganacsatada iyo dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyey talaabada dawladda Soomaaliya ay go’odoonka uga qaaday magaalada.

Waxa ayna sheegeen in ay hada xaaladu caadi tahay, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa amaanka iyo xirnaanshaha wadooyinkan.

Raashinka ayaa qiimo sare gaaray, taas oo noqotay xaalad halis galisay nolosha boqolaal qoys oo kunool gudaha magaalada Xudur ee gobalka Bakool.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xafiiska Xudur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here