Muqdisho(INO)- Warbaahinta afka Ururka Al Shabaab ku hadasha, ayaa baahisay cod dardaaran ahaa oo laga duubay ninkii fuliyay qaraxii ismiidaamin ahaa, ee uu ku bilowday weerarkii ay Ururka Al Shabaab ku qaadeen Ambassador Hotel, gelinkii dambe ee Arbacadii.
Qaraxan oo uu fuliyay nin magaciisa ku sheegay Bashaar Cumar Aadan (Abuu Layth), ayaa waxaa lala beegsaday afaafka hore ee Hotelka Ambassador, oo ku yaala wadada mashquulka badan ee Maka Al Mukarama. Wadadan waxaa lagu tilmaamaa midda halbowlaha u ah isu socodka Caasimadda. Ninkan wuxuu la socday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Qaraxan, ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca inta badan dadkii lagu dhibaateeyay weerarka, ay Shabaabku ku galeen Dhismaha Hotel Ambassador. Inta badan dadku waxay xilligaa marayeen wadada.
Weerarkan, ayaa waxaa ku dhimatay 20 ruux oo ay ku jiraan afartii nin ee weerarka soo qaaday, halka in ka badan 60 kalana ay ku dhaawacantay.
Dadka ku dhintay weerarkan oo rayid u badnaa, ayaa laba ka mid ah dadkaasi waxay ahaayen Mudanayaal Baarlamaanka Somaliya ka tirsan.
Abuu Layth, ayaa ku faanay in uu ku faraxsan yahay xasuuqa dadka maatida ah, iyadoo uu hooyadii ka codsaday in ay samirto, haddii uu ku baxay wadadii uu sheegay in ay ku soo abaabisay.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Muqdisho