Muqdisho(INO)-Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa markii u horeysay dagaalka ay la galayso ururka xagjirka ah ee al-Shabaab u adeegsan doonta diyaaraddaha nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano drones-ka.
Afhayeenka Wasaaradda amniga Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa VOA-da u sheegay in wadamada saaxiibka ama kuwa taageera dowladda ay ka caawin doonaan howlgalada ka dhanka al-Shabaab.
Inkastoo al-Shabaab laga saarey magaalooyinka muhiimka, balse weli waxay ka taliyaan dhul baaxad leh oo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya. Waxay sidoo kale weeraro joogto ah ka fuliyaan magaalada Muqdisho.
Diyaaraddaha drones-ka ayaa hore Soomaaliya ka fuliyey dilal loo geystay saraakil muhiim ah oo ka tirsan ururka al-Shabaab.
Dowladda Federaalka ayaa qorsheynaysa bilaha soo socda in ay qaado dagaalkii u dambeeyay ay kula wareegaan goobaha weli ay ku sugan yihin al-Shabaab.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho