Dhageyso:VOA: Gudidii Farsamada Shirka Cadaado Oo La Kala Diray, Saamaynta Maamulka Puntlad iyo Xog Cusub

0
471

Cadaado (INO)- Odayaasha dhaqanka ee Shirka Cadaado ayaa kala diray Guddidii Farsmada ka dib markii ay ku eedeeyeen inay diideen inay ergada ku daraan Xubno ka socday Gobolka Mudug oo markii hore maqnaa.

SHIRKA

Guddiga  ayaa horeba loogu eedeeyay inay la safan yihiin musharax C/kariin Xuseen Guuleed, waxayse odayaasha dhaqanka ku eedeeyeen guddigan inuu kala saari waayay degaanada loo sameynayo maamulka goboladda dhexe oo odayaashu ku adkeysanayaan inuu ka kooban yahay labada gobol ee Galgaduud iyo Mudug.

Waxaa jira warar sheegaya in guddiga ay si hoose ula shaqeynayeen maamulka Puntland si maamulka looga
dhigo hal gobol iyo badh, Sidoo kalana  Tallaabadan ayaa xaalad cusub oo is mari waa’ ah gelineysa shirka aan weli ergadiisa la qeybin, waxayna keeni kartaa inay sii xumeyso xiriirkii Puntland iyo maamulka la dhisayo.

Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed oo ka mid ah madax dhaqameedka shirka Cadaado ayaa arrintan VOA uga warramay.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here