Dhadhab(INO)- Hayada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa dib u bilaabeysa dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya kadib markii hakad uu galay isku socodka dhanka wadada isku xirta xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya.
Hayada ayaa sheegtay in tan iyo bishii Janaayo bilowgeedii aan lasoo celin wax qaxooti Soomaali ah, laakiin dhamaadka Janaayo ayaa waxaa magaalooyinka Luuq iyo Baydhabo la gaarsiiyay 218 ruux oo kasoo laabtay dalka Kenya.
“Waa dhaqdhaqaaqii ugu horeeyay ee dhanka wadada oo la helo tan iyo bishii October sanadkii lasoo dhaafay, maadaama waddooyinka roobab badan ay xireen”sidaasi ayaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska hayada ee magaalada Nairobi.
Hayada ayaa warbixinteeda ku sheegtay in gaadiid kale la doonayo iney ku dhawaad 1902 ruux oo qaxooti ah ka qaadaan magaalada Dhoobleey kuwaasi oo qaarkood doonaya iney tagaan magaalooyin kale kuna xayirnaa Dhoobleey muddo badan.
Hayada ayaa sidoo kale sheegtay in dhawaan dib loo bilaabi doono duulimaadyada dadka lasoo celinayo lagu keenayo magaalada Muqdisho, waxayna sheegtay in dad badan horey Muqdisho looga soo dajiyay.
Sanadkii 2013 dowladaha Soomaaliya iyo Keny iyo Hayada UNHCR ayaa saxiixay hishiis dhigayay in dadka qaxootiga ee doonaya iney soo laabtaan lagu soo celiyo dalka Soomaaliya.
Idale News Online, Dhadhab