Dhageyso:Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Somalia oo Gaaray Baydhabo

0
190

Baydhabo(INO)- Magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed maanta waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayay Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Wafdiga Maxamed Koofi ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in uu kormeeri doono inta uu Baydhabo ku sugan yahay xarumaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Waxa uu sidoo kale sheegay in uu kulamo la qaadan doona Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed.

Safarka Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) uu ku tagay Magaalada Baydhabo ayaa qeyb ka ah safaro maalmihii u dambeeyay uu ku tagayay Magaalooyinka qaar ee Maamul Goboleedyada Dalka ka jira.

Halkan Ka Dhageyso