Dhageyso:Taliyaha Ciidanka Gobolka Bakool Oo Booqadey Degaano Lagala Wareegey Al-shabaab

0
224

Xudur(INO)-Taliyaha cidanka Gobolka Bakool ayaa booqadey degaano badan oo dhawaaan lagala wareegey, xoogaga Al-shabaab ee Soomaaliya, isla markaana waxa uu sheegey in ay xoojin doonaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo inta badan Go’doomisey wadooyinka Muhiimka ah ee Gobolka Bakool.

timacade

Col. Cabdiraxmaan Timacade ayaa tilmaamey in Degaanadani ay la wareegaan ka dib markii cidamda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrik aEe Soomaaliya ee AMISOM ka soo dhaqaaqeen degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ay howlgalo ka sameeyeen degaanadaasi.

Waxaana uu baaq dheer u direy DF Soomaaliya iyo Hay’adaha Samafalka inay Gurmud deg deg ah la soo gaaraan  degaanada Ay la wareegaan,isla markaaana waxa uu  xusey in gumaad iyo dhibaato ka taagneyd degnadaasi.

|”Maanta waxaan joognaa Halkan, waxaan dhawaan la wareegney Degaanada Ceel-laheley, moora-gaabey, Kulan-Jareer  iyo kuwo kale oo badan waaan sii wadeynaa Hawlgalka” Ayuu Col. Cabdiraxmaan Timacadde.

Ugu dambeyntii Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ee Gobolka Bakool ayaa isu diyaarinaya Halgal balaaran  oo ay ku doonayaan inay isku furaan wadooyinka gala Degmooyinka Gobolka Bakool iyo Gobolka Bay.

Halkan Ka Dhageyso Radio Idale 

Idale News Online, Xudur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here