Gedo(INO)-Afhayeenka ciidanka dowladda ee gobalka Gedo Korneel Jaamac Muuse ayaa waxba kama jiraan ku sheegay warar sheegayay in ciidamada Kenya ay xabsiga dhigeen taliyahii ciidamada dowladda ee gobalkaasi.
Korneelka ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin Been abuur ayna ogyihiin in taliyaha howlihiisa shaqo uu si caadi ah uga wato deegaanno ka mid ah gobalka Gedo.
“Taliyaha lama xirin, ciidanka Kenya AMISOM bay ka mid yihiin ciidankana wey la shaqeeyaan, laakiinse waxba kama jiro in taliyahii la xiray” ayuu yiri afhayeenka.
Dhankakale Korneel Jaamac ayaa u sheegay Warbaahinta, in ciidamada dowladda ay wadaan howlgalo uu sheegay in lagu baacsanayo Al-shabaab, islamarkaana dhawaan ay soo gaba gabeyn doonaan.
Halkan Ka Dhageyso.
Waxa uu qiray Afhayeenka in ciidamada Al-shabaab ay inta badan weeraro xoogan ka geystaan deegaano ka mid ah gobalkaasi, gaar ahaan ay soo beegsadaan ciidamada dowladda meelaha ay ka degan yihiin gobalka.
Idale News Online, Gedo.