Muqdisho(INO): Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir General Maxamed Cumar Madaale ayaa sheegay in Maal maaha Soo Socda La Shaacin Doona Natiijada Ka Soo Baxday Baaristii Lagu Sameeyay Meydka Taliyihii Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo Shalay lagu Aasay Magaalada Muqdisho.
Taliya ayaa sheegay in aan laga hor dhici doonin natiijada ilaa dhaqaatiirta ay u soo gudbiyaan Natiijada Hay’adaha Sharciga.waxa uuna sheegay in ay rajeynaya inay ka soo bixi doonto natiijo wanaagsan.
Shalay ayay ahayd markii Taliyihii Ciidanka Booliska lagu Aasay dugsigii Tababarka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye waxana aaskaasi ka qeyb galay Madaxda ugu sareysa Dalka.
30-10-2014 ayay ahayd Markii Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho ka dib Xanuun soo fod saaray waxana labo Maalin ka dib loo qaaday Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya si loo baaro Meydkiisa balse Shalay ayaa lagu soo celiyay Dalka oo lagu Aasay.