Baydhabo(INO)- Taliska ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolka Baay ayaa soo saaray amaro cusub oo ku aadan dhinaca amaanka, kadib markii dhawaan falal amni daro ay ka dhaceen magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.
Taliska ciidamada booliska ee gobolka Bay Col. Mahad C/raxmaan oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay ineysan u dulqaadan doonin askarta labista caadiga ah wata ee ku sugan magaalada Baydhabo.
Wuxuu sheegay iney jiraan askar badan oo wata labis aan aheyn dareeska ciidamada, kuwaasi oo dhibaato u geysta dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Baydhabo.
Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in shacabka deegaanada gobolka Bay looga baahan yahay iney laamaha amaanka kala shaqeeyaan xaqiijinta dhanka amaanka.
Maalintii shalay ayay aheyd markii maxkamada ciidamada qalabka sida ay xukun dil iyo xabsi isugu jira ay ku riday ku dhawaad 7 ruux oo ku eedeysnaa qaraxyo Baydhabo ka dhacay.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo