Muqdisho(INO)- Waxaa Saaka Salaadii Subax ka hor ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho Marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon oo ahaa nin magac weyn ku dhex lahaa Soomaalida.
Marxuumka ayaa udhintay neef qabatin ku timid isagoo shalay fiicnaa Xalay ayaana nabarka Sakaraatul mowt-ka uu soo kediyey sidaana uu ku xijaabtay Saacadu markii ay aheyd 4:00 Aroornimo.
Abuukar Xaaji Goobdoon oo la dhashay Marxuumka ayaa ku tilmaamay Qof aad uwanaagsanaa islamarkaana walaalkiis ka sokoow uu ahaa Aabihiis oo kale.
Abuukar oo wareysigaan xilliga laga qaadayey la tiiraanyooday sida geerida usaameysay ayaa hadalkiisa laga dheehan karay ooyinta iyo murugta qabatay.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Muqdisho