Hargeysa(INO)- Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aysan jirin cid ka socota degaanada maamulka Somaliland oo ka qeyb galaysa doorashooyinka ka socota Soomaaliya.
Somaliland ayaa sheegtay in dadka kasoo jeeda degaanada maamulka Somaliland ee ku sugan Muqdisho aysan aheyn kuwo matala degaanada Somaliland .
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta maamulka Somaliland Cismaan Cabdulaahi Saxardiid oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dadka sheeganaya in ay kasoo jeedaan Somaliland ee ku sugan Muqdisho in aysan aheyn dad siyaasiyiin xil doon ah , laakiin ay yihiin shaqa doon.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxbaanida Somaliland ay tahay mid muqadis ah , islamarkaana aysan dhici karin in ay qeyb ka noqdaan doorashada ka socota Soomaaliya.