Dhageyso:Somaliland Oo Lagu Dhaliiley Go’aankii Ay Ku Diidey Qaabilada Qaxootiga Yemen Ka Imaanaya

0
241

Hargeysa(INO)- Dowlada Somaliland ayaa ku dhawaaqay in aysan guud ahaanba aqbali doonin Qaxootiga Soomaalida ee ka imaanaya dalka Yemen, kuwaas oo ka soo cararaya dagaalada iyo rabshadaha hada ka taagan gudaha dalkaas Yemen, waxa ayna sheegeen in aysan aqbali doonin wax kasta oo ku aadan arrimaha Qaxootiga ee Soomaalida.

wara

Gudiga Badbaadada Qaxootiga Soomaalida ee dalka Yemen ka soo cararaya ayaa ku dhaliilay go’aankaas Somaliland, waxa ayna sheegeen in uu yahay mid ka soo horjeeda Soomaalinimada iyo walaaltinimada Umada Soomaaliyeed.

Aaden Cilmi Maxamed ookamid ah gudiga ka dhisan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay uarkaaan go’aankaas mid muujinaya in laga tagay Soomaalinimada iyo danaha gobalka, isla markaasna ay Somaliland qaadatay go’aan aan marnaba macquul aheyn.

War ka soo baxay Safaarada Soomaalida ee dalka Yemen ayaa lagu sheegay in ay Somaliland hada deegaanadeeda ku soo wajahan yihiin dad badan oo doonaya in ay soo gaaraan, go’aankaas uu noqon doono mid dhabar jab weyn ku noqon doona Mustaqbalka dadkan.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here