Kismaayo(INO) Siyaasiga Soomaaliyeed ee Cabdi Shire Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Jubooyinka ayaa si kulul uga horyimid dhamaystirka baarlamaanka Maamulka Jubbaland oo shalay lasoo afmeeray.
Siyaasiga Cabdi Shire Warsame ayaa sheegay in baarlamaanka la dhisay uusan waafaqsaneen dastuurka dalka u yaal,wuxuuna shaaca ka qaaday inuu meel ka dhac ku yahay bulshada Jubbaland sida uu hadalka u dhigay,Cabdi Shire ayaa tilmaamay in Kismaayo ay ka socoto faragalin shisheeye sida uu sheegay.
Wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney ku baraarugaan qorshayaasha gurracan ee wadamada shisheeye ay ka leeyihiin gobolada Jubooyinka,Siyaasiga ayaa ku eedeeyey madaxweynaha dowladda Soomaaliya inuu marin habaabiyey rabitaanka shacabka Jubaland,wuxuuna farta ku goday in madaxweyne Xasan SH uu rabitaanka shacabka goboladaas ka door biday shaqsi gaara.
Cabdi Shire Warsame ayaa dhanka kale tibaaxay ineysan jirin dib u heshiisiin dhab ah oo laga dhex sameeyey beelaha daga Jubooyinka iyo Gedo,wuxuuma si cad u sheegay in arimaha soo xulista baarlamaanka Jubbaland uu qas iyo faragalin ku hayo Gen. Gabre oo ka tirsan saraakiisha sare ee dowladda Ethiopia.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Kismaayo.