Dhageyso:Sirta Ka Danbeysa in Axmed Madoobe u Yeero Xildhibaanada 2-Aqal

0
206

Kismaayo(INO)- Xildhibaanada Labada Aqal ee laga soo doortay deegaanada Jubbaooyinka ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.

Ujeedka Xildhibaanada ayaa lagu sheegay iney tahay sidii wada tashi ula sameyn lahaayeen madaxda,waxgaradka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee Jubbaland.

Xildhibaanada ku laabtay Kismaayo waxaa hogaaminaya Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka tirsan Aqalka sare Dowladda Somalia ayaa sheegay in ay muhiim tahay in shacabka Jubbaland ay wax walbo la wadaagaan maadaama sida uu sheegay ay yihiin dadkii ay matalaayeen.

Wuxuu sheegay in marka hore ay la kulmi doonaan madaxweynaha Jubbaland ay kala hadli doonaan xaalada bguud ee maamulka iyo siyaasadda ka taagan magaalada Muqdisho.