Dhageyso:Shirka Arrimaha Soomaaliya Ee Turkiga oo Maanta Lasoo Xiraayo

0
208

Istanbul(INO)- Shirka looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ee shaley ka furmay magaalada Istanbul ayaa lasoo xirayaa galabtay, iyadoo intii uu socdey xooga la saaray arrimaha Siyaasada, Amaanka & dhaqaalaha, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys.

Ka qeybgalayaasha shirkan oo iskugu jira dawlad gobaleedyada qaarkood, dawladda Faderaalka & Bulshada Caalamka ayaa siyaabo kala gedisan uga hadlay arrimaha Siyasada & amaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha dawladda Faderaalka oo ka hadleyey furitaanka shirkan ayaa sheegay in ay Soomaaliya ka soo kabanayso dagaalo ay mudo dheer ku jirtay, hadeerna ay rajadoodu tahay in laga baxo marxaladda lagu sugan yahay.

Dhinaca Doorashooyinka soo socda & Nidaamka lagu galayo ayaa ahaa kuwii ugu xasaasinaa ee ay dhinacyadu si weyn uga hadlayaan, waxaana horay ay Beesha Caalamku sheegtay in ay taageerayso nidaamkii 4.5.

Ugu dambeyntii, Shirka ayaa soo xiritaankiisa laga soo saari doonaan warsaxaafadeed aan rajo weyn laga qabin in uu si toos ah uga hadlo arrimaha Siyaasadda gudaha ee Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Istanbul

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here