Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa furi doona maalinta Berito, shir gaar ah oo looga hadlayo dhismaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, iyadoo ay ka qeybgali doonaan intabada xubnaha Odayaasha dhaqanka.
Dhismahan baarlamaanka oo ay marar badan khilaafyo ka yimaadeen, ayaa lafilayaa in manta shirka lafurayo si gaar ah diirada loogu saari keenida magacyada noqon doona baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Odayaasha gobalada qaarkood ayaa diidey tirade looga qoondeeyey baarlamaankan, waxa ayna marar badan muujinayeen cabashadooda ku aadan hanaanka wax loo qeybiyey.
Afhayeenka Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Barlamanka Malaaq Deeroow, oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Shirka lagu soo xulayo Xildhibaanada uu si rasmi ah u farayo maalinta barri ah, Madaxweynaha Dowladda KGS Shariif Xassan Sheekh Aadan, iyada oo qorshaha yahay in lasoo gabagabeeyo dhismaha Barlamanka ka hor bisha Ramadaan.
Odayaasha dhaqanka Ee Gobolka Shabellaha Hoose oo ka maqnaa Shirka Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu sheegay Afhayeenka in dhamaantooda ay joogaan Magaalada, waxaana uu intaasi ku daray in Guddi Odayaal ah loo xilsaari doono inay Xildhibaanada kasoo xulaan Gobolada Bay, Bakool iyo Sh/Hoose.
Si kastaba ha haatee, Baarlamaankan aya lafilayaa in ka hor bisha Ramadaan ee nagu soo aadan la shaaciyo, isla markaasna ay qabtaan shaqooyin badan oo looga baahan yahay.
Ugu dambeyntii, Barlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka koobnaan doona 95 Xildhibaan, waxaana wararka sheegayaan in 59 xubnood loo qoondeeyay gobolada Bay iyo Bakool, halka inta kalana loo qoondeeyay gobolka Sh/hoose.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo