Waxaa shirkan la’isugu keenay dad kala matalaya beelaha isku haya gobolkaasi, waxaana shirkaan uu daba socdaa shirar horay uga dhacay gobolkaasi.
Kulan Gollaha Wasiirada Dowlada Koonfur Galbeed ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo goor hore oo shalay ah waxa ay ku sheegeen in muhiim ay tahay in la soo afmeero dagaallada sanadaha badan ka taagan Shabeelaha Hoose.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed oo la hadlay IdaleNews.coms waxay sheegeen in dadaal xooggan ay ugu jiraan sidii lagu soo afjari lahaa colaadda ka jirta Shabellaha Hoose.
Ugu dambeyntii, Koonfur Galbeed ayaa hadda usoo jeestay xallinta beelaha ku dagaallamaya gobolkaasi, kuwaa oo dad u badan shacab aan waxbo galabsan iska kala dilay.
Halkan Ka DHAGEYSO
Idale News Online, Marko