Baydhabo(INO): Xildhibaan Shariif Xasan Sh Aadan oo caan ku ah abaabulka iyo kuguuleysiga danihiisa Siyaasadeed ayaa ka bilaabay magaalada Baydhabo ee xarunta uu ka soo socda dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kulamo uu uga soo horjeedo in mudo labo asbuuc ah hakad galiyo howlaha shirweynaha ka socda magaaladaas, ee lagu dhisayo maamulka Koonfur Galbeed.
Halkan Ka Dhageyso
Shariif Xasan ayaa la rumeysan yahay in ay badi taageersan yihiin ergada hada ka qeybgalaysa shirka socda, isla markaasna uu doonayo in uu saacadaha soo socda ku dhawaaqo in uu yahay Musharax utaagan Madaxweyne-nimada maamulka Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya, si uu uga hortago dhibaatooyin ku yimaada ole-olihiisa doorashada ayuu ka soo horjeestay go’aanka Madaxda dawladda Soomaaliya ay gareen.
Gadaalka dambe ee siyaasada waxaa ka iska haya gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Osman Jawaar iyo Xildhibaan Shariif Xasan Sh Aadan, wuxuuna doonayaa Shariif Xasan in uu dheelo kaarto siyaasadeed si uu daaqada uga saaro hamiga shaqsiyaadka uu wato Jowhari ee Madaxweyne-nimada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo