Baydhabo(INO)-Kulankan lagu qabtey Magaalada Baydhabo waxaa ka qeyb galey aqoonyahano, odoyaasha dhaqanka,culmaa’udiinka,haweenka iyo dhalinyarada ayaa waxaa lagu shaacinayay xafiis gollaha qurba joogta koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku yeeshen Baydhabo.
Gollaha qurba joogta koonfur galbeed ayaa waxa lagu sheegay kulanka iney ka qeyb qadan doonaan dib u dhiska deegaanada,u gargarida dadka taabaaleysan,u doodida xaquuqda haweenka iyo arimo kale.
Prof. Fowzi cnuur waa wakiilka golaha qurba Joogta koonfur Galbeed Soomaaliya u qaalbsan soomaaliya Waxaa Uu Kahadlayaa Muhiimada Kulankaani Dhanka Kale Waxaa Kahadley Dhalanyaradii Ka Soo Qeybgashey Kulankaani Iyo Aqooyaaniin Kale.
Ugu dambeyntii lama garan karo sida Xafiiskan iyo Wasaaraddda Dib u dajinta iyo Xariirka Jaaliyadaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ay u wada shaqeyn doonaan.
Halkan Ka Daawo Sawiradda
Wariye Siidi Cali Muuse (Ateera, Warbaahinta Idale News Online, Baydhabo.
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay