Dhageyso+Sawiro:Koonfur Galbeed Oo Kor U Qaadeysa Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha

0
204

Baydhabo(INO)- Munaasabad looga hadlayay arrimaha beni’aadanimada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Munaasabaddani waxaa ka qeyb galay wasiirro ka tirsan  Koonfur Galbeed, wakiilka UNSOM ee Soomaaliya iyo sidoo kale ururro ka shaqeeya arrimaha bulshada.

Wasiir xigeenka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Koonfur Galbeed Binti Ibraahim Cali ayaa sheegtay in ay wax ka qabanayaan tacadiyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacaya Koonfur Galbeed.

Wasiir xigeenka ayaa soo hadal qaaday arrimaha la xiriira kufsiga iyo askareynta carruurta oo ay sheegtay in ka wasaarad ahaan ay xil iska saari doonaan.

Dhanka kale, Wakiilka Xafiiska UNSOM ee gobolka Bay MR. Vicram oo munaasabadda goobjoog ka ahaa ayaa ka hadlay qodobo ay kamid tahay cadaaladda iyo sida loo xallin karo cabashada ka imaanaysa dadka laga tirada badan yahay.

Wakiilka ayaa soo jeediyay in la xalliyo cabashada ka imaanaysa dadka wax tirsanaya oo la suurtagaliyaa dib u sixidda qaladaadyo ka dhacay dhinaca cadaaladda.

Ugu dambeyntii, Maanta oo ah 10-ka December ayaa ku beegan maalinta xuquuqda aadanaha ay u asteysay Qaramada Madoobe.

Halkan Ka Daawo Sawiro

Wariye Abshir Maxamed Nuur Mandella, Idale News Online, Baydhabo

Idale News Online. Baydhabo.