Baydhabo(INO)- Madexweynaha Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Seekh Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Dowlada Koofur galbeed ay bilaabeyso howlgal ka dhan ah ururka Shabaab.
Waxa uu sheegay in maamulka koofur galbeed ay bilaabeen howgal balaaran oo shabaab looga saarayo deegaanada ay ka joogaan Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh ayaa sheegay in in ay shabaab ka saari doonaan inta aan la gaarin doorashada guud ahaaba gobolada Bay ,Bakool iyo Shabeelaha Hoose.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo