Baydhabo(INO)- Magalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay waxa Maanta lagu dhagax Dhigey Xarunta Wasaarada Dib u Dajinta Qoxootiga iyo arimaha Jaaliyadaha Koonfur Galbeed Somalia.
Dhagax Dhigan ayaa waxa ka soo qiib galey ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyah Barlamanka KGS C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, wariiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Somalia.
Liiban Sh. Shuceyb, Agasimaha Guud Ee wasaarada Dib u dajinta Qoxootiga iyo Arimaha Jaaliyadaha Koonfur Galbeed Somalia ayaa waxa uu faafahin ka bixiyey dhagax dhiga Xarunta Wasaarada.
“ Dadaal badan ka dib Waxa Gacan Naga Siisey Hay’ada QM Ee Arimaha Qoxootiga Ee UNHCR, waxaana Shaqo Looga Qabanaya Qaxootiga Somalia ee Ka Soo Lababanay dalalka Dariska la ah Ee Somalia” ayuu yiri Liibaan
Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyah BKGS C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye oo Hadal Kooban ka Jeediyey Munaasabada Dhagax dhiga ayaa waxa uu ka hadley muhiimada ay leedahay Xaruntan.
” Runtii Waa Horumar iyo Guul, oo maalinba maalinta ka dabeysa wax ku soo kordhayaan Maamulka,waad dareensan tihiin Meeshiin wax ku soo bilaabmeen iyo Maanta” ayuu sheekhubna