Dhageyso+Sawiro: Xildhibaan Afaraale oo Shaaciyay Go’aanadii ka soo Baxay Shir ay Xudur kula Yeesheen Saraakiisha AMISOM

0
189

Xudur(INO)- Xili Wafdi kala duwan oo ay ku jiraan Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Taliska Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ay Gaareen Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa Meydadka ilaa 5-ruux la soo gaarsiiyay Xarunta Degmada kuwaasi oo ay Al-Shabaab ku Goowraceen Duleedka Degmada Tiyeegloow,

Xildhibaan Maxamed Xusen Isaaq Afaraale oo ka mid ahaa Wafdiga Gaaray Degmada Xudur ayaa sheegay inay Talaabooyin Milateri uga Jawaabayaan Dilka dadkan oo ay ku jiraan Ganacsato Caan ka ahayd Degmada Yiyeegloow,

Afaraale ayaa sharaxaad guud ka Bixiyay Kulan Amniga looga hadlay oo Saraakiisha AMISOM ay ka qeyb galeen kaasi oo laga soo saaray Qodobo kala duwan oo lagu Muujinayo in dhawaan laga saaro Al-Shabaab deegaanada ay Gacanta ku hayaan.

Halkan Ka Dhageyso

010203