Baydhabo(INO)-Ururka Arlaadi ACF oo fadhigiisu yahay dalka mareykanka ayaa deeq lacageed soo gaalsiisay Dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii kadhacay Baydhabo ee jiifa isbitaalka Gobolka Bay.
Deeqdan Lacagta ah ee Maanta lagaarsiiyey dadka iyagu ku soo dhaawacmay qaraxyadii dhawaan kadhacay magaalada Baydhabo ee Kujira Cisbitaalka Gobolka Bay oo gaareysay 1000,000 dolar ayaa waxaa soodiray Ururka Arlaadi ACF ee kumideysan Bulshada Koonfur Galbeed soomaaliya ee ku nool dalka Mareykanka .waxaana lacagtaasi loosoo wakiishay qaarkamid ah aqoonyahanada Kunool Baydhabo uu horkacaAyo Cabdi Cadow.
Waxaana sidoo kale qaybinta lacagtaasi goobjoogayaalka ahaa Masuuliyiin kala duwan oo ay kamid ahaaayeen masuuliyiinta Isbitaalkaasi intaa kadib qaarkamid ah dadkii lacadna lagaarsiiyey ayaa umahad celiyey dadkii soogaarsiiyey iyo dadkii soodiray intaba.
Cabdi Cadow oo kamid ah Aqoonyahanadii loosoowakiishay gaarsiinta Lacata Bukaanada kujira cibitaalka Gobolka Bay ayaa faafahiyey tirada Lacagta iyo halkay katimid isagoo sidookale umahad celiyey ururkii soodiray kaalmadan.
Halkan Ka Daawo Sawiradda
Sawir Qaade: wariye Siid Cali Muuse, Diyaariyaha Warkan Wariye Abshir Maxamed Nuur Mandella