Dhageyso+Sawiro: Odayaal Iyo Mas’uuliyiin Oo Booqadey Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool

0
240

 

Waajid(INO)-Gudoomiyaha Gobolka Bakool iyo wefdi uu hogaaminayey ayaa gaaray Degmada Waajid waxaana gudoomiyaha safarka ku wehliyey xildhibaano ka socday Koonfurgalbeed iyo odayaal dhaqameedyo ayado halkaasna ay kusoo dhoweeyeen dadweyne farabadan.

Wefdigan uu hogaaminaayey gudoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tall ayna qayb ka ahaayeen xildhibaano ka socday baarlamaanka Koonfur galbeed iyo odayaal dhaqameedyo uu kamid yahay Malaaq cali Bare  ayaa waxaa garoonka diyaaradaha  magaalada Waajid  si diiran ugusoo dhaweeyey maamulka degmada wajid ee gobolka Bakool iyo bulshada inteeda kale.

Waxaana gudoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool iyo wefdigiisa salaan sharaf  ay ka qaateen  ciidamada Koonfur galbeed  kadib waxay halkaasi kula hadleen Bulshada Degmadaasi.

Ugu horeyn gudoomiyaha Degmada Waajid  oo goobta ka hadlay ayaa soo dhaweeyay  madaxdii soo booqatay oo ujeedadoodu ahayd in ay ogaadaan xaalada guud ee degmada Waajid.

Waxaa sidoo kale halkaasi hadal kasoo jeediyay Malaaq Cali Bare iyo Gudoomiyaha Bakool  Maxamed Cabdi Tall ayagoo sheegay in wax laga bedeli doono xaalada Degmada Waajid.

Degmada Waajid  oo  horay  xaalad nabadgelyo iyo mid nololeedba  ku jirtay  ayaa hadana waxaa ugusii darsoomay go’doominta ay ku hayaan dagaalyahanada Xarakada Alshabaab.


1235323

 

Idale News Online, Waajid

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here