Dhageyso+Sawiro: Magaalada Baydhabo Oo Maanta Laga Hergaliyey Iskuul Looga Magacdarey Abwaan Sahal Macalin Ciise

0
381

Baydhabo(INO)- Waxaa maanta Magaalada Baydhabo lagu qabtay Xaflad Furitaan Iskuul loogu magac darey Abwaan Sahal M.Ciise xafladaasi oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiinta Gobolka Bay Gudoomiye C/Rashiid iyo Duqa Magaalada Baydhabo Mudane C/laahi Cali Watiin iyo Agaasimaha Wasarada waxbarashada iyo Barbaarinta  marwo Casiisa Maxamed Nuur iyo Kormeeraha Guud Wasaarada Mudane Maxamed Mukhtaar Cabdi.

Sidoo kale waxaa ku weheliyey ka qaybgalka xaflada magacdarida Halyey Sahal M. Ciise waalidiinta Aradada Iskuulka loo furey iyo Ardaydaba.

Hadaba  waxaa xaflada furitaankeeda  hadalkii qaatey Kormeeraha Guud ee Wasarada Waxbarashada K/Galbeed Somalia Mudane: Maxamed Mukhtaar waxaa uu aad ugu dheeraadey inuu Sahal ahaa Bad Baadiyaha Afka Maayga wuxuuna ku sii tilmaamay inuu yahay qofka keliya ee inta Maayga ku hadasha Dhaxal la taaban karro dadkiisa uga tagay, mudane Maxamed isagoo hadalkiisa wato wuxuu yiri in UK ay isla joogeen Sahal isagoo xanuunsana marwalba ixtiraam iyo walaalnimo aan guureynin u muujinayay inta Maayga ku hadasho.

Hadaba waxaa hadalkii la wareegey gudoomiyaha ahna duqa Magaalada Baydhabo Mudane Watiin wuxuuna yiri ”Maanta Sahal M. Ciise waxaa uu mudan yahay Taalo in faras magaalaha Baydhabo looga dhiso daruusta iskuulaadkana taariikhdiisa iyo fankii Asluubta lahaa ee dhadhanka badnaa in lagu soo darro intaan masuuliyada Baydhabo joogana waxaan sameyndoona xasuustiisa inaan deris la ahaano”

Sidoo kale iyadoo aanan qoraal kusoo koobi Karin qudbooyinkii Taariikhiga ahaa ee manta Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare Sahal M.Ciise lagu qabtey ayaa waxaa hadalkii qaatey Gudoomiyaha Gobolka Bay C/Rashiid Ibraahim Maxamed  wuxuuna yiri ”manta ma qiyaasi karro in aan goob muhiim ah oo loogu magacdarayo Abwaan,Afyaal macalin Sahal M. Ciise ka qayb gallo anoo masuul ah waxaana aan qabaa in ay tahay Nasiib Ilaahay ii ogolaadey ana weligeygaba ku haminayay waayo Sahal waxaa uu ummada labada Wabi degta wax u sheegayay in ku dhow Nus Qarni isagoo si guud Soomaali weyn ahna marwalba furihiisa ay ahayd Ilaahay ha unaxariiste waxaan marwalba soo xasuusta xiligii shirkii Carta uu ku gabyay isagoo dharkii hidaha iyo dhaqanka ee dadka labada webi dega xiran Soomaalina dhaqan ahaan iney naga xigaan isu haysta balse Afka iyo Dhaqanka waa isla dhasheen lama kala qaadi karro” ,wuxuu gudoomiye C/rashiid yiri isagoo ereyadii Afyaalka soo qaatey ¨Ay jinkeey eh” oo tilmaameysey Adkeysiga ay Soomaalidu dhibka u leedahay halka dunida sabir iyo dulqaadba u lahayn.

Ugu danbeyn Gudoomiye C/Rashiid oo qiireysan ayaa cod sare ku yiri ”ma ahan mid ku filanSsahal xasuustiisa hal iskuul waxaan Insha Allaah rajaynayaa inaan Madxaf Hidaha iyo Dhaqanka K/G loogu magac dari doono Abwaan Sahal M.Ciise iyo Wadooyinka Baydhabo mida ugu weyn inaanu sami uga dhigno maadaama dhaxalka uu inooga tagey ay qarniyaal jiri donaan anaguna magaciisa jiilalka inaga danbeeya si aanay u oran ”Sahal kumuu ahaa?

Sahal M Ciise school (4)

Sahal M Ciise school (9)

Sahal M Ciise school (8)

Sahal M Ciise school (7)

Sahal M Ciise school (3)

Sahal M Ciise school (2)

Sahal M Ciise school (6)

Sahal M Ciise school (16)Sahal M Ciise school (11)

Sahal M Ciise school (5)

Sahal M Ciise school (1)

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here