Dhageyso+Sawiro: Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Maanta Xariga Ka Jaray Jid Laami Ah

0
239

Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya  Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay weheliyaan qaar ka mid ah gollihiisa wasiirada, gudoonka Gobolka Bay C/rashiid C/laahi Maxamed, Duqa Degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiin iyo xubno kale oo muhiim ah ayaa maanta xariga ka jaray wado laami ah oo laga dhisay magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Halkan Ka Dhageyso

Wadan uu madaxweynuhu xariga ka jaray ayaa ahayd Laamiga Dheere Hor Division-ka iyo Saldhiga Degmada oo laga dhigay laami ka dib sanado badan oo aysan habaysnayn waxaana waqtigan si nidaamsan u adeegsan doona gadiidka iyo dadweynaha magaalada.

Duqa degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiin ayaa madaxweynaha uga xog waramay dhismaha wadani iyo mudada lagu hir-geliyay , isagoo sheegay inay ku dhiseen mudo kooban,wuxuuna dadweynaha ugu baaqay inay ka shaqeeyaan ilaalinta wadooyinkan cusub.

Gudoomiye Watiin uu sidoo kale sheegay inay gacanta ku hayaan wadooyin kale oo uu ka mid yahay jidka 30-ka, iyo Laamiga Shariif Gacamey oo dhexmara Xaafada Isha.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in magalada Baydhabo oo ah halbowlaha Ganacsiga KG Soomaaliya  ay yeelato wadooyin laami ah, isagoo bulshada Gobolka Bay  ku booriyay inay sii wadaan horu marka ay hiigsanayaan.

Dhanka  kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa uu kormeerey Dhismooyink ku soco saldhiga Degmada Baydhabo.

Halkan Ka Daawo:

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here