Dhageyso+Sawiro: Horjoogihii Kooxda Daacish ee Gobalka Bay Iyo Maleeshiyadkiisii Oo La Qabtay

0
168

Baydhabo,(INO):-Taliska Ciidanka Nabadsugidda Gobalka Baay ayaa magaalada Baydhabo ku soo bandhigay Afar ruux oo ay ku sheegeen in ay ka tirsanyihiin Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Galgala ee gobalka Bari u qaabilsanaa Gobalka Bay.

Maleeshiyaadka la qabqabtay ee uu soo bandhigay Taliska nabadsugidda Koofur Galbeed ayaa lagu kala magacaabaa Cali Maxamed Gaaboow Wakiilka Kooxda Daacish ee Gobalka Bay, Mahad Nuux Siidoow, Sameyta iyo diyaarinta Qaraxyada Macmalka, C.casiis Xasan Mursal Jabhadaha, iyo Maxamed Sh Isaaq oo Bambo tuurka qarxinta miinooyinka qaabilsan.

Cali Maxamed Gaaboow oo sheegtay in uu wakiil u ahaa Kooxda Daacish ayaa SONNA u sheegay in Afar Sano uu al-shabaab ka tirsanaa una qaabilsanaa dhinaca dagaal galinta kana Shaqeynjiray Ceelasha illaa iyo Marko, Balse mar dambe uu is fahmi waa soo kala dhexgalay kadibna uu ku biiray Kooxda Daacish.

“Amiir Xasiira ayaa Al-shabaab la iiga dhex yaqaanay, shir ayaan Ceelasha biyaha ku qaadanay aniga waxaa la ii xilsaaray wixii markaas ka dambeysay Amiirka Daacish ee gobalka Bay kadib markii aan isfahmi weynay”.

Saraakiisha Ammaanka Koofur Galbeed ayaa SONNA u sheegay in Shabakaddaan la qabtay Afar Maalin ka hor, islamarkaana si qarsoodi ah uga dhex shaqeysanayay Magaalada Baydhabo, markii xogtooda laga war helayna ay ciidamada Ammaanku gacanta ku dhigeen.

Qaar kamid ah Maleeshiyaadka la qabtay ayaa sheegay in ku biiritaanka kooda al-shabaab ay ku tashkiiliyeen kooxo ku sugan deegaanada gobalka bari kuwaas oo ay xuseen in taleefoon ay kusoo waceen.

Dowladda Mareykanka ayaa Isbuucaan Horraantiisii liiska Argagixisada ku dartay Horjoogaha Kooxda Daacish Cabdulqaadir Muumin, kaas oo sheegtay in uu yahay Hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya.

vlcsnap-2016-09-02-11h07m41s44vlcsnap-2016-09-02-11h08m08s198vlcsnap-2016-09-02-11h09m04s117vlcsnap-2016-09-02-11h09m24s29