Dhageyso+Sawiro: Beesha Hadamo/Gaal-Jeel Oo Qaadacday Qaabkii Ay u Dhacday Doorashadii Aqalka Hoose

0
224

Baydhabo(INO)- Odayaasha Beesha Hadamo Gaaljeel iyo Ergada Beeshaasi iyo musharixiintooda ayaa sheegay in mid xaaraan ah ay tahay sida ay u dhacday Doorashada xubinta ay ku leeyihiin Baarlamaanka Aqalka Hoose.

Odayaasha Dhaqanka Waxgaradka iyo Ergada Beesha Hadamo/Gaaljeel oo kulan kooda ka dhacay Baydhabo oo saxaafada la hadlaayey ayaa sheegay in ergadii iyo Musharixintii Beesha aaney ka qayb galin doorasho loona diiday in ay galaan goobta doorashada isla markaana ay maqleen in Xubinta beeshu ay Baarlamaanka ku leedahay la doortay.

Odayaasha dhaqanka waxgaradka iyo Ergada Beesha Hadamo/ Gaal-jeel oo  ka mid yihiin  Malaq Cali Aad,Malaaq Macalin Axmed,Xildhibaan Xasan Cali,Marwo Faduma C/raxmaan Mohamed iyo Nasro Warsame Maxamed oo Arintaasi warbaahinta uga warameen.

Halkan Ka Dhageyso

020304050708080901

Wariye Abshir Maxamed Nuur Mandella, Idale News Online Baydhabo