Dhageyso+Sawiro: Baarlamanka Dowlada KGS Oo Maanta Kulankoodi Kowaad Ku Yeeshey Baydhabo

0
207

Baydhabo(INO)- Xildhibaanada Baarlamaanka  Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ku yeeshay kulankoodii ugu horeeyay,kaasi oo ay kaga hadleen arimo badan oo quseeya xaalada maamulka Koonfur galbeed iyo Howsha haatan hortaala.

Sidoo kale,Dowlada Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa ku tilmaamay maamul la magac baxay Bakool sare oo looga dhawaaqay degmada Ceel-barde ee Gobolka Bakool,waxayna maamulkaasi ku tilmaameen mid qas looga gol leeyahay.

Wasiirka Beeraha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Max’ed Xasan Fiqi oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada  Koonfur galbeed oo la dhameystiray maanta Kulankoodii ugu horeeyay kaga hadlay sidii loo guda gali laha Howsha adag ee hortaala iyo waliba laga dhabeeyo dhaartii ahayd in shacabka Koonfur galbeed Helaan adeegyada muhiimka ah ay u baahan yihiin.

 Max’ed Xasan Fiqi,Wasiirka Beeraha Dowlada  Koonfur galbeed ayaa dhanka kale ka hadlay shaqada ilaa iyo hada ay Wasaaradiisa ay ka qabatay arimaha Beeraha iyo sida dadka danyarta ah looga caawin lahaa qalabka dhanka Beeraha.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here